Sannado badan, kahor intuusan geeriyoon sannadkaan 2013-ka buu Galayax ka gabangaabsaday gabayadii aadka loo xiiseyn jiray. Haddii la weydiiyeyna wuxuu uga jawaabay tixda hoos ku qoran oo uu ku leeyahay lix iyo toban haloo oo wada gartaya baan isaga daayay. Gabaygaan Galayax waa cashar dhammeystiran oo na baraaya sida goorihii hore geyiga S/liyeed looga dhaqmi jiray iyo gaadaha cusub oo ay waayahan ku dambeysay. Wuxuu is barbar dhigayaa dhaqammadii suubbanaa oo goor iyo ayaan lagu maamulan jiray nolosha iyo guuldarrooyinkii ka dambeeyay. Hadday tahay gabay, garaad, gu’, gabar la guursado iyo gacal sokeeye ah iyo hadday tahay kala-dambeynta guudba wuxuu leeyahay waxaa jiri jiray xurmo iyo qaddarin kuu yahayba la siin jiray. Wuxuuna ku gunaanaday macne kale waa u waayey ee kani waa adduun- gaddoon, wuxuuna yiri:
In dhawayd ka gabangaabsadoo, wayga garateene
Anigoo an gabin baan nacee, kama galgaaleene
Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye
Gabaygu waa yaraa Muxummadoow, gaafihii hore
Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin
Ama aan shaarubada oo gotay, iyo gucummo aar yeelan
Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e
Iyo Oday guxuushaayaa, guusha loo simaye
Gef inay amuurtaasi tahay, wawga gaabsadaye
Haddii aan garwaaqsaday intaan, gu’ iyo Waa Joogay
Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guud caddaan ahaye
Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e
Inuu godob islaameed i bado, wawga gaabsadaye
Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba
Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye
Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka
Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede
Gelin dhexe habaynkii wardaan, gurayaa laylkiiye
Nin ilaah u go’ay baan ahoo, wawga gaabsadaye
Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo
Inkastoo barkood go’ay naflaha, geeri bow imane
Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole
Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda
Gooddiga Hargaysiyo intii, Guban ka hoosaysa
Garloogubay Galbeediyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda
Garbahaaraleeyiyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya
Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay
Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye
Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e
Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye
Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya
Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda
Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo
Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye
Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye
Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide
Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go’aye
Afcad wuxuu Gallayreyn ogaa, geesigii dhimaye
Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane
Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo
Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye
Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay
Intii aniga geed iyo shiriyo, garangar lay keenay
Amaan meelo lagu guulayiyo, gogol ka sheekeeyay
Haddii aanan gabbaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo
Inaan faa’iido laga gaarahayn, wawga gaabsadaye
Haddii aanan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin
Ama aanan gamaankii fardaha, gorey ka fuulaynin
Ama aanan garaaddiyo billado, garabka saaraynin
Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole ka sheeggiise
Inaan galala’diisu i anfacayn, wawga gaabsadaye
Ninkaan gacanta lala laaci jirin, waa gabbanayaaye
Hayeeshee gadaal niman dhashiyo, gefiyaa kacaye
Amba rag baa gabay igu qabsaday, iina goodiyaye
In aduunku gaafaysi yahay, wawga gaabsadaye
Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya
Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe
Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye
Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya
Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday
Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye
Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isasoosiine
Haddaanse guurshay kani, waa adduun gees u foorare
Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye
Sayid maxamed geel iyo lo’ iyo, godol wuxuu haystay
Arlaa’iga wuxuu daar gingimay, gulufna heenseeyey
Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayay
Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay
Gebogebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray
Wuxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay
Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gargaaraayay
Gegi buu ka taagnaa cidla’ , maalintuu go’aye
Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurkii duugeede
Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye
Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe
Goshay xiran jireen maryaha, loo garraarsado e
Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene
Gayaankooda lama laacdamayn, goor iyo ayaane
Maantana gad baa lagu arkiyo, guuldarriyo ceebe
Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane
Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere
Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye
Timihiina gedef bay ka dhigeen, madax ganboor weyne
Iyagoon ninnaba guursan bay, wada ganbaysteene
Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gaabsadaye
Gugaan manta joogiyo haddaan, gadaha faalleeyo
Gantaalaha wadkii haystay iyo, gamaska mawdkayga
Markuu ruuxa iga goyn lahaa, waa la soo galaye
Inay taasna igu guullan tahay, wawga gaabsadaye
Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimmo sii joogo
Maraan go’aba mawdkii rabbaa, ii gadaal imane
Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone
Gabnahaa agoontoobiyo, gaariyahaan qabo e
Intaan ciidda hoosteeda gelin, wawga gaabsadaye